Mashiinada, Agabka & Injineernimada

INJINEERNIMADA: XARUMAHA KOBCAYA & WARSAHDAYNTA BALLAADHANAYSA

Mashiinada iyo Qalabka: Qayb muhiim ah oo Nidaamka Wax soo saarida ah

1928, 3M waxay ka dhistay dukaankeedii mishiinka ee u horaysay qaybta hoose ee Dhismaha 2. Saddexda makaani iyo kow iyo toban mashiinada wax ridqa ah ee mishiinada la sameeyay iyo qaybaha was soo saarka ee baalaayska iyo warshadaha xabagta iyo qaybta macdanta.

Marka qaybta koowaad ee Dhismaha 14 la dhammaystiray sanadkii xigay, waaxdu waxay u ballaadhisay ilaa qaybta hoose ee dhismaha.

Halkaasna shaqaalaha 40 ah waxay bilaabeen inay soo saaraan qalab mishiino oo cusub iyo inay warsahdeeyaan mishiinada caadiga ah ee ay nashaqadeeyeen injineerada 3M. Waaxda waxay sii waday inay kobocdo marka dalabaadyada qalabka ay korodheen. Dukaanku mar labbaad waxa uu u guuray Dhismaha 20 sanadii 1938 oo ka dibna waxa uu u guuray goobta Herzog Iron Works, waqooyiga khadka tareenka, ka dib 3M markay iibsatay dhismaha 1949.

Xaga goobta cusub, dukaanka mashiinka 3M waxa uu sii waday samaynta qalabka iyo mashiinada si uu u soo saaro baaleeska iyo xabagta duuban ee 3M. Qaybta dayactrka waxay siisay adeeg dhammaan warshadaha Saint Paul.

3M waxay sii wadatay si ay u balaadhiso hawlaheeda dukaanka mashiinka goobta Herzog Iron Works, dhisideeda dhismaheedii u dambeeyay (Dhismaha 99) sanadii 1990.

Injineernimada: Nashqadaynta Mashiinada

Qaybta Injneernimada, taas oo sidoo kale la dhisay 1928, iyo dukaanka mashiinka si dhow ayay had iyo jeer isugu xidhnaayeen. Injeenaradu waxay nashaqadeeyeen qalabka oo waxay horumariyeen mashiinada iyo maamulka halka mashiinka dukaanka la isugu ururiyo.

Shaybaadhka injeernimada 3M waxaa la dhisay 1931 wixii tijaabooyinka ah ee korontada aan socon ee dahaadhka baaleeska. Ka sakow korontada aan socon, shaybaadhka korontadu waxa uu ka shaqeeyay muraayada indhaha, codka iyo qiyaasta codka, nidaamyada kulayliska, mowjadaha raadyaha, iyo nashqada qaybaha maamulka korontada ee nidaamyada warshadaynta kala duwan.

Dagaalkii Adduunka ee II dhexdiisii, Injineerada qaababka Cusub waxay horumariyeen mashiinada iyo baaleesyada si ay u dedejiyaan wax soo saarka wixii ah dedaalka dagaalka.
Injineerada makaaniga ee 3M waxay nashaqadeeyeen nidaamka “shyhook” si looga joojiyo duubabka baaleeska wayn siliga warshada si ay u fududayso yaraanta meesha kaydka.

Injeernimada Dhismaha

3M waxay lahayd koox dhismaha gudaha ka shaqaysa iyo injineero kuwaas oo nashaqadeeyay warshada shirkada iyo dhismaha bakhaarka. Waxay si dhow ula shaqeeyeen injineerada kuwaas oo nashaqadaynaayay mashiinada si ay u horumariyaan waxtarka nidaamka shaqaynta.

Dhismaha 3M iyo dhowr dhismood oo ku yaala goobta Herzog Iron Works waxay ahaayeen wax soo saarkii injineernimada dhismaha ee 3M.

Images

Map