“Waxaan doonaya inaan ka shaqeeyo 3M”

Qaar badan oo shaqaalihii hore ee 3M, ay ka mid yihiin William L. McKnight iyo Archibald G. Bush, waxay lahaayeen tababar “ganacsi” ama tababar dugsi sare oo :”fanka makaanikada ah.”
 
Markii William Viervering la shaqaaleeyay 1916 si uu u hubiyo maamulka tayada, waxa uu lahaa tababar dugsi sare oo kimistariga ah. Waxa uu sii watay si uu uga heloo digriiga kimistariga Jaamacada Minnesota ka dib dagaalkii Addduunka ee I.
 
Richard Carlton, shaqaalahii 3M ee u horeeyay kaas oo ahaa arday ka qalanjebiyay Jaamacada Minnesota, waxaa la shaqaaleeyay 1921 sidii caawiyaha shaybaadhka. Waxay ahayd fikradiisa inaan ururka wax warshadeeyaa aanu in badan hore u socon karin la’aanta dadka farsamo ahaan tababaran. Waxa uu u dalacay sare si uu u noqdo maamulaha sare ee shirkada, isagoo beddelay McKnight sanadii 1949.
 
Richard Drew. arday ka dhacay dugsiga injineernimada waxaa la shaqaaleeyay 1921 si uu uga shaqeeyo shaybaadhka cilmi baadhida. Waxa uu sii waday horumarinta xabagta lagu xidho qaybta aan la rinjiyaynayn iyo xabagta khafiifka ah.
 
Shirkadu waxay ka soo shaqaalaysay dugsiyada sare ee maxaliga ahaa. Waxay bixisay maalmaha Shaqaale-Shaqaale-Waxbarasho iyo Maalmaha Isbarashada si ay u keento macalimiinta iyo la taliyayaasha boos gaynta Warshadda Saint Paul markaas waxay arki karayeen hawl galada iyo xeerarka tooska ah. Macalimiinta ganacsiga iyo fanka warshaduhu waxay ku dhiirgeliyeen si ay ugula taliyaan ardayda shaqooyin gaar ah. Ardayda qaarkood waxaa loo kiraystay shaqada xagaaga iyo mid nus gelin ah oo waxay heleen buundo kooras tababarkooda goobta shaqo ah.
 
Kulliyadaha iyo jaamacaduhu waxay ahaayeen ilo muhiim ah oo shaqaalaha ah wixii shaybaadhka iyo shaqooyinka farsamada ah. Kooxaha wax shaqaaleeya ee 3M waxay ku sameeyeen booqashooyin caadi ah goobaha waxbarashadda.
 
Sababtoo ah 3M waxay dhiirgelisa xayaysiiska gudaha ah, sidoo kale waxay bilowday barnaamijka tababarka xirfad barashada gudaha dukaanka mashiinka 1949. Waxay u oggolaatay shaqaalaha barnaamijka si loo gaadho xeerka xirfad yaqaanimo. 3M waxay sii wadaa barnaami tababar oo gudaha ah oo xoogan dhexda shirkada.

Images

Map