Qaraxa: Ka jawaabida Masiibada 3M

Waxay ahayd, 12 darajo F, saacada 8:20 Subaxnimo Febraayo 8, 1951, marka qaraxu uu gilglay dhismaha macdanta ee lixda dabaq ( Dhismaha 12). Waxay burburiysa labba dabaqa, iyaddoo mugdi gelisay, waxyeelaysay warshada cabbaynta xabagta duubka ah ee ku dheganaynd, qiiq ku faafisay dhexda iyo hoosta waddoyinka dhulka hoos mara ee Warshada Saint Paul, oo ku saydhisay qashin iyo burburka wadooyinka.
 
Qaraxa waxa uu dilay sadex iyo toban shaqalaha 3M iyo hal wadde gaadhi wayn oo alaab qaadayay, oo waxay dhaawacday 50 kale.
 
Dhismaha warshada degdega ayaa dadka looga daad gureeyay oo shaqaalaha aan dhaawacmin iyo shaqaalaha samata bixintu waxay ku jeesteen u gargaarka kuwa ku xaniban gidaarada dumay iyo siligyada. Dhaawaca waxaa lagula orday cusbitaalada dhawaaca si lo daaweeyo.
 
Maalintii ku xigtay, Guddomiyaha Richard M. Carlton waxa uu ku dhawaaqay in jabitaankii beebka gaasta olosha ay sababtay qaraxa.
 
Howlagalada waaxda Macdanta dib ayaa loo abaabulay oo si ku meel gadh ah ayaa loogu raray Dhismaha 11, 14, iy 20, marka Dhismaha 12 dib u dhiska iyo hagaajintu ka socotay.
 
Masiibada shirkadan ugu wayn waxay keentay dib u qiimaynta iyo tababarka iyo nidaamyada badbaadada si looga hortago shilal dheeraad ah.,

Images

Map