Suuq gaynta 3M & Alaabteeda

ABUURISTA SAWIRKA, U SHEEGIDA ADDUUNKA

3M waxay soo saartay aaabteeda suuqyo kala duwan oo waxay adeegsatay qaabab badan.

Alaabta Warshadaha & Ganacsiga

Iibiyayaashu waxay aahaayeen suuq geeyayaasha koowaad ee warqaddaha baalayska 3M iyo marada baaleeska “Three-M-ite”. Ka dib hogaankii William L. McKnight iyo Archibald G. Bush, waxay tegeen qalabka guryaha iyo warshadaha baabuurta sagxadooda si ay u muujiyaan wax soo saarkooda oo ay u qal qaashadaan horumarinta. Dhismaha alaabta uu hindisay Francis Okie, 3m waxay u horumarisay warqaddaha baalayska“Wetordry”, tiindharka, iyo xabagta warshadaha baabuurta. Waxay samaysay xabagta lagu xidho qaybta aan la rinjiyaynayn ee “Scotch”, iyaddoo ku salaysan qayb baadhitaanada iibiyaaysheeda ah. Xabagta duubka ee korontada ah iyo alaabo kale oo casri ah oo xabag ah ayaa ku xigay. Wareegtooyinka, warsidayaasha, kaataloogyada, iyo muunadaha alaabta waxay xoojisay dedaalada iibiyaasha. Xiisaha dheeraadka ah ee alaabta 3M waxaa lagu dhaliyay xayaysiisyada daabacan ee joornaalida ganacsiga. Dedaalada Cilmi baadhayaasha 3M waxay ku hogaamiyeen alaabta cusub macaamiil cusub. Tusaale ahaan, 1946, Injineerada Qaababka Cusub waxay nafahooda u arkayeen sida “sameeyayaasha suuqa.” horumarinta suuqyada 3M suumanka baalayska. Horumarinta nidaamka mishiinada sawirka warqadaha ee “Thermo-Fax” ee u dhexaysay 1949 iyo 1955 ee 3M waxay keentay suuqa cusub ee alaabta xafiisyada. Cajalada duubista magnadka leh iyo cajalada duubsista fiidyowga waxaa ugu horayn loogu tala galay isticmaalka ganacsiga laakiin si degdeg ah waxaa looga gaday shakhisyaadka iyo qoysaska.

Shaqaale kastaa waa Alaab iibye

3M Shaqaalaheeda waxaa lagu dhiirigeliyay inay aqoon u yeshaan alaabta shirkada heerka caadiga ah iyo alaabta cusub ee la horumarinayay.. Maqaalada Maykarafonka 3M oo leh cinwaanada “Gaardiga Alaabta” iyo “Alaabta Cilmi baadhida 3M” waxay bixiyeen macluumaad muhiim ah oo ku saabsan qaybaha alaabta la soo saaro. Tan waxaa ka mid ah baaleeska dahaadhka leh, xabagta xasaasiga ku ah cadaadiska; xabagta; saqafka aan jiingada ahayn’ midabka; alaabta ilayska soo celisa; alaabta daabicista; cajalada duubista ee magnadka; alaabta korontada ah; ribonada hadyada lagu laabo; kimikada falooiinrta; iyo alaabta gaarka ah --- alaabta la sameeyay ama la soo saaray si loo sameeyo alaabooyin kale.

Alaabooyinka Tafaariiqda

Degdeg ka dib 3M markay bilwoday warqadda baaleeska “Wetordy” 1921, waxay ku bilowday ololaha xayaysiiska tafaariiqda ee jariidada Saturday Evening Post. Warqadda baaleeska waxaa loo xidhay cabbiro yaryar oo waxaa la dhigay kartoono bandhigeed oo soo jiidasho leh iyo dukaanada qalabka dhismaha. “Wetordry” waxaa looga iibiyaya haweenka sidii liifka nadiifinta digsiga iyo maqlaha taas oo ka caafimaad badnayd liifka birta ah oo kana waxtar badnayn nadiifiyaha dareeraha ah. Warqadda baaleeska guriga ee bixisay sifada Sandy Smooth kaas oo muujiyay “ Cajaa’ibka Warqadda Baaleeska ee Isticmaalada Badan.” Noocyada badan oo kala duwan oo duubka xabagta “Scotch” ayaa lagu iibiyay bandhigyada tafaariiqda oo lagu xayaysiiyay majaladaha waa wayn. 3M fikradaheeda suuq gaynta sida ““Friendship Tree” si loo xayaysiiyo isticmaalka xabagta khafiifka ah ee “Scotch: si loogu lifaaqo kaadhadhka salaamaha ee geedka Ciida Kiristaanka. Goobaha Raadyaha iyo teefeeshanka iyo iyo xayaysiisyada alaabta daabacan dadka caanka ah ee ka soo qayb galay dhammaan waxay qayb ka ahaayeen ololaha xayaysiinta. Xidhmada tidcan iyo sifada Scottie ayaa la bilaabay 1945 iyo 1946 si loo xoojiyo aqoonsiga xabagta duubka ah ee “Scotch”.

Images

Map