3M meeshada ku dhinactaal khadka tareenku maro waxaa ka xigay galbeed iyo koonfur suuqyada ganacsiga ee Arcade iyo East Seventh. Waxay ku taal bandhtanka bulsho madani oo horumaysay oo ku dartay warshada xaafadaha la dego ee Dayton's Bluff, Payne-Phalen, iyo Swede Hollow. Jaarkeeda warshadaha waxaa ka mid ah ahaa Shirkada Talaagadaha ee Seeger; Northern Malleable Iron; Herzog Iron Works; dhowr sameeya caanaha iyo jiista, Paper Calmenson & Company Steel iyo xadiidka iyo Saint Paul Harvester Works. Dhowr ka mid ah dhismayaashaa waxaa la wareegay kama dambaystii 3M marka shirkadu balaadhatay. Warshadahan waxaa u adeegayay khadka tareenka, marka shaqaalaha warshadahan ay ku safraan gaadhiga khadka korontada mara iyo ka dib baska dhanka Arcade Street iyo East Seventh Street. Shaqaale badan oo xaafada ah ayaa ku noolaa meel loogu lugayn karo shaqada. Ganacsiyada iyo shrikadaha ganacsi waxay ku yaaleen Arcade, East Seventh, iyo East Minnehaha. Waxaa ka mid ahaa bangiyada, iibiyayaasha baabuurta, istaanada adeega baabuurta, goobaha aaska, makhaayadaha, miisaska qadada, dukaanada dawada, iyo baararka u adeega dadka xaafada iyo shaqaalaha u dhow warshadaha.
Ku noolaanshaha East Side, 1920kii - 1960kii
Xaafadaha East Side, oo ay ka mid ahaayeen Dayton's Bluff, Payne-Phalen, iyo Swede Hollow, waxay muddo dheer u ahayd hoyga bulshooyinka muhaajiriinta la dhiirigeliyay. Labbadan xaafadood iyo labbada dugsiga sare ee u dhow, Johnson iyo Harding, waxay ahaayeen ilo diyaar ah oo 3Mers suuragalka ah. Qof waxa uu shaqo ka heli lahaa baalaysyada 3M, ama warshadaha xabagta duubka ah. Qaar badan waxay sameeyeen, wax ku barteen shaqada, u wareegeen boosaska kale, oo hore u socdeen. Si loo shaqaaleeyo shaqaale xafiis oo tababaran, 3M waxay siisay boosas nus gelin ah haweenka barnaamjyada ganacsiga ee dugsiga sare. Boosaska nusgelinka ah waxaala siiyay raga dhalinyarada ah ee ku jira barnaamijyada tababarka ganacsiga.
Dhiirigelinta Ka qayb Galka Maxaliga ah
Saint Paul East Side keeda waxa ay lahayd kaniisado kooxo kala duwan ah, inta badan xidhiidh la leh kooxaha isirka. 3M, sidii xeerka shirkada, waxay ku dhiirigelisay shaqaalaha inay ka qayb qaataan hawlaha diimeed. 3M sidoo kale waxay dhiirgelisay shaqaalaha inay noqdaan muwaadiniin wanaagsan, oo ku dhaqma xaqooda ay ku codeeyaan, ogsoon siyaasadaha, oo la xidhiidha saraakiishooda ay doorteen.
Firaaqada iyo Raaxaysiga
Xaafadaa iyadda ahna waxay lahayd fursaddaha hawlaha firaaqada ay ka mid tahay dhowr masraxyada filimada ah --- Roxy oo ku yaal East Minnehaha, Arcade, iyo Payne. 3M lafteed waxay ahayd il muhiim ah oo firaaqo iyo hawlo raaxaysi meel leh. Badanka shaqaalahu waxay ka tirsanaayeen Naadiga 3M, taas oo kafaalo qaaday kooxaha ciyaaraha oo aad u kala duwan iyo naadiyada balwada ee labbadaba raga iyo haweenka. Kooxahu waxay la ciyaareen gudaha iyo Horyaalka Ganacsiga shirkadaha Saint Paul. Bulsha dhexgalka sidoo kale waxaa laga dhiirigeliyay waaxda dhexdooda, laga bilaabo kooxaha hambalyayanaya, dhalaanka, iyo hawl gabnimada, ilaa cashooyinka Ciida Kirismiska ee makhaayadaha xaafada iyo naadiyada degmadd.
Marjorie Pearson, Summit Envirosolutions, Inc., “Dadka & Wakhtiyada: 3M & Saint Paul’s East Side,” Saint Paul Historical, accessed September 19, 2024, https://so.saintpaulhistorical.org/items/show/383.