Alaabta Baaleeska & Warshadaynta

3M CASRIYAYNTA WAX SOO SAARKA BAALEESKA

Baaleeska: Sheekada Warqaddaha baaleeska

3m waxay bilowday warshadaynta alaab keliya, warqaddaha baaleeska ah, 1905 xaga warshadada Duluth. Warqadda baaleeska weli waxay ahayd alaabta keliya marka shirkadu ay u soo guurtay Saint Paul sanadkii 1910. Suuqa koowaad ee ugu muhiisan ee warqaddaha baaleeska 3M waxay ahaayeen warshadaha qalabka guriga iyo looxaatanta iyo ka dib warashaha baabuurta. William L. McKnight, maareeyayaasha iibka u horeeyay, kii beddelay Archibald G. Bush, iyo iibiyayaasha kale waxay ku booqdeen shaqaalaha warshadaha iyo masnacyada si ay u arkaan sida loo sameeyo warqaddaha baaleeska iyo sida loo horumarin karo. Dhibaatooyinka tayada ee warqaddaha baaleeska waxay keeneen 3M inay dhisto shaybaadhkeedii u horeeyay iyo barnaamijka maamulka tayada sanadkii 1914.

Saqaf saarida sibidhka ah

Saqaf saarida sibidhka ah waxaa la horumariyay 1932. Waxaa laga sameeyay dhagax la burburiyay oo lagu dahaadhay dhoobo leh middabo adkaysi leh oo kala duwan, kuwaas oo lagu dhajiyay daamur si loogu sameeyo furuuruc ama qalab kale oo saqaf saarid ha. sanadkii 1947, 3M waxay samaynaysay saqafka guryaha sibidhka laga sameeyo si loo daboolo 1, 200,000 oo guri.

Oogo aan lagu Siiban

3M waxay bilaabeen qalabyada biyaha celiya ee aan lagu siiban “Saftey-Walk” sanadkii 1940. Waxay caawiyeen horumarinta sagxadaha, jaranjarooyinia, barxada, iyo marinka dadku maro, gaar ahaan kuwan oogadda birta ah leh.

WAS SOO SAARKA IYO BALAADHINTA XARUMAHA

Warshadaynta Baaleeska

3M waxay warshadaysah warqaddaha baaleeska, iyo marada baaleeska “Three-M-ite”, iyo warqadda baaleeska “Three-M-ite Wetordry" gudaha labbadeeda dhisme ee ku yaala Saint Paul. Sanadkii 1955, 3M lambarkeeda Sameeayaha 6 waxa uu ku yaalay dhismaha 47,taas oo noqotay warshada adduunka ugu wayn ee warshadaynta baaleeska.
"Sameeyaha cusun waxa uu wakiil ka yahay xirfadaha farsamo ee isku jira ee injieernimada 3M, cilmi baadhida iyo shaqaalaha wax soo saarka oo waxa loo dhisay inuu soo saaro 'baaleeska dahaadhka leh ee berri'.” — 3M Mekerefoonka, Febraayo 1955

3M SUUQ GAYNTA BADEECADAHA BAALEESKA

Xayaysiita Warqaddaha baalayska

Badanka warqadda baaleeska iyo baaleeska waxaa loo sameeyay isticmaalka ganacsiga iyo warshadaha. Si kastaba ha ahaatee, shirkaddu waxay bilowday inay u suuq gayso si toos ah macaamiisha wakhti hore sida 1921. Warqadda baaleeska iyo baaleesyada kale waxay ka dhignaayeen ugu badnaan dhammaan iibka alaabta 3M 1925, Sanadkii 1949, baaleeska waxay ahaayeen shan meelood ooy hal iibka 3M markaa shirkada ay kordhisay wax soo saarada kale. Taas ka sakow, warqadda baaleeska waxaa loogu horumariyay si firfircoon isticmaalada qoyska.

Images

Map

900 Bush Ave